SAMEE 5-TAN QODOB SI AAD U HORMARISO NAFTAADA

Wakhtigu waa mid socda sanadku wuxuu badalayaa sanad kale xiliguna xili kale maalintuna waxay badashaa habeenka inaguna waxaynu ku dhex noolnahay noloshaas socota ee aanay jirin shaqsi ay u is taagayso dartii

hadii aynu socodkaas noloshu socoto la jaanqaadi wayno maKula tahay inaynu lasii socon doono dabcan MAYA!! Waynu ka hadhaynaa

aan kuu bushaareeyo  “MA JIRTO MEEL GAAR AH OO LAGA RAACO TAREENKA GEEDI SOCODKA NOLOSHA

aan kula wadaago 5 qodob oo aan is leeyahay waxay kuu sahli doonaan inaad bilowdid bog cusub

1. XUUB SIIBO

xamaaratooyinka sida masaska mulaca waxay inta badan caan ku yihiin mudo marka ay joogaan inay sameeyaan xuub badalasho taaso muujinaysa u gudbida marxalad cusub nolol ka midab duwan tii hore ka qurux badan yihiin muuqaalkoodii hore inaga bini-aadam ahaan ma samayn karno xuub siibasho noocaas ah balse waxaynu samayn karnaa mid ka awood badan kana wanaagsan taas oo ah inaad ka xuub siibato noloshii caajiska ahayd ee aad ku sugnayd sido kale ka xuub siibatid halkii qaab ee aad noloshaada u noolayd ee ahaa soo celcelinta hal shay

 ka xuub siibo noloshii ku dhisnayd dhafarka buuqa nidaam la,aanta iyo sidoo kale qorshe la,aanta
qaado buug iyo qalin oo qor ujeedooyin muuqda oo wax ku ool ah kuwaas oo aad rabtid inaad xaqiijisid wakhti dhaw mid dhexe iyo mid fogba

2. HOR-MARI XIRFADAADA

Mihnadaada maxay tahay waxa ay tahay inaad aad ku taamayso inaad gaadhid

caruurnimadadii hadii lagu waydiiyo maxad jeceshahay inaad noqotid mustaqbalka waxaa caadi iska ahayd inaad sheegto dhakhtar, engineer, cir bixiyeen ,wariye , kuwaas oo markaa umuuqday kuwo ay fududahay rumayntoodu kadib markaynu caqliyaysanay ayaynu ogaanay inuu jiro waaqic ka duwan midkii inooga muuqday khayaalkeena lkn manta ayaad ka wanagsan tahay markaad yarayd sababtoo ah waxad leedahay caqli aad ku hor marin karto waxa aad jeceshahay inaad noqotid

sidoo kale manta waxad haysataa jaanis aad waxyaabo badan ku baratid sida in aad internetka wax ka baratid luuqado badan aad baratid muuqaal hagajinta ka baratid waa saman ay fududahay inaad wax baratid waxaad kale oo ka baran kartaa cunto karinta isku soo koob oo waxad haysata jaanis aad ku baratid kuna horumarisid xirfad kasta oo jirta oo aad leedahay iyo mid aanad hore ulahaynba.

Business Plan

3. ILAALI WAKHTIGA

Cimrigaagu gabi ahaan waa ilbidhiqsi lagu daray ilbidhiqsi ( ilbiriqsi) ilaalinta aad wakhtiga ilaalinaysaana waa ilaalin aad ilaalisay cumrigaaga sidoo kale beel daraynta iyo luminta aad luminaysaana waa luminta qayb kamid ah cimrigaaga
kaba soo qaad 24 saaacadood adigoo dul-fadhiyo internet oo kaliya fiirsanaya majaajilo ruwaayad film hees shactiro wax aanay waxba kaaga soo kordhayn waxaa kaaga fiican 5 daqiiqo oo aad wax ku anfacaaya barato

Hadii aad badanka daawatid muuqaalada aan waxba kuu kordhinayn sida hebel oo hebel ujawaabay, samatar oo afka furtay, waatan jawabtii hebel iyo wixii lamid ah ugu danbaynta waxad so baxaysa qof eber ah oo aanay maskaxdiisa ku jirin haba yarate wax xikmad ahi waxna ma dhaami doontid daasad kaliya waxad bini aadamka la wadaagi doonto ayaa ah inaad u egtahay iyaga oo sidooda socotid.

Hadii anu wakhtigu markiisa hore qiimo ka lahayn agtaada hada waa inuu kaala qaalisanado wax kasta oo qiimo leh

Need Improvement
Need Improvement

4. XOOGA SAAR WAKHTIGA AAD HADA JOOGTID

Wal-walka ugu badan ee soo wajaha bini aadamku waa ka wal-walida wixii tagay ee dhaafay iyagoo badanaa ka fakera inay dayaceen wakhti ay ahayd quruxna badnayd inay ka faaidaystaan taas oo ku keenta inay sidoo kale dayacaan wakhtiga ay isla hada ku sugan yihiin oo ay ku luminayanaan ka fekerida wax tagay

Sidoo kale haka fakarin wakhti badana haku lumin inaad is waydiiso mustaqbalka iyo sida aad noqon doontid hana is gaadhsiin ilaa heer ay cabsi kugu noqoto ood ka warwarto sida aad noqon doontid shan sano kadib sababtoo ah waxa jaan-goynaya mustaqbalkaagu waah awl qabad yadaada manta iyaga ayaanay ku xidhan tahay mustaqbalkaagu

Ku dadaal maalinta saacada iyo daqiiqadaha aad haystaid iyaguna waxay kuu diyaarin doonaan mustaqbal wanaagsan.

5. KU RAAXAYSO XANUUNKA

Hadad samaynaysid is badal waxaa xaqiiqo ah inay kuso wajihi doonaan xanuun ah  usamrida is badalka aad samaynaysid dabaqida go,aanadii aad qaadatay sabar/samir ayayna ubaahan yihiin

daalka iyo xanuunku waa waxa kaa dhigaya qof dhab ah xooluhu way cunaan cabaan habeenkiina lasoo xareeyaa wax masuuliyad ahna ma saarna mana murugoodaan hadii aynu cabno cuno seexano oo kaliya waxay ka dhigan tahay inaynu ku nool nahay nolol lamida mida xoolahaas ku nool yihiin

Inaad meel mariso qodobada aan soo sheegnay waxay ubaahan yihiin go,aan ,fikir sidoo kale sabar

Uhur waxa ay ubaahan yihiin si aad uga hesho waxa aad uga baahan tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.