SADEX QODOB OO SIR AH! SIDEE LOO SAMEYAA HORUMAR DHAQAALE ?

Ma leedahay qorshe maaliyadeed ama wali ma isku dayday inaad qorshaysid??

noloshu waxa ay leedahay qaybo badan oo u baahan qorshe waxaana kamid ah qaybta qorshaynta maaliyada ama financial planning

mawduucan waxan kugula wadaagayaa sadex qodob  oo muhiim ah oo ay tahay inaad qorshaha ku darsatid  si aad u gaadho horumar dhaqaale 

  1. Dhaqaalaha kusoo gala bishii waa inuu sadexdii sanoba mar laban-laabmaa

Qodobka ugu horeeya ee aynu soo qaadanayno wuxuu noqonayaa inaad isku daydid sadexdii sano ba mar inaad laban laabto dhaqaalaha kusoo galaya

Tusaale ahaan: waxaad ushaqaysaa shirkad waxaanad bishii uxaadirtaa lacag cadadkedu dhan yahay 100$ waa inay qorshaha kugu jirto 3 sano kadib in mushaharkagu noqdo 200$ wakhti kasoo horeeya wad libin laabi kartaa laakiin ugu badnaan 3dii sano waa inaad samaysid is badal xaga dhaqaalaha ah

Markaa inaad dajisato qorshihii aad ku libin laabi lahayd waa inaad adigu keentaa dajisaana

  1. Mulkiyadaadu waa inay 5 tii sanoba mar double noqotaa

Marka laga yimaado mushahar aad meel ka qaadatid waa inaad ugu horaynba isku daydaa inaad samaysatid wax aad adigu mulkiyadiisa leedahay oo kuu noqda il ganacsi marka laga yimaado mushaharkaga billaha ah

Mulkiyada il dhaqaale waa halka ugu yar ee qofku ka bilaabi karo guda Galida horumarinta dhaqaalihiisa

Kabilow inaad isku gaynta hantidaada ogaatid kadib 5 sano kadib waa inay noqotaa mid double ku ah ama ku laba jeer laaban midii aad hore ulahayd

Tusaale hadii aad lahayd guri aad kirayn jirtay ama gaadhi waa inad isku daydaa 5 sano kadib inaad yeelatid laba guri iyo laba gaadhi oo udhaqma isla sidii labadii hore kuna soo galiya dhaqaale ka badan kii aad ka sugi jirtay halka guri iyo halka gaadhi

  1. Samaynta maalgashi

Waxyaabaha aad xooga saaraysid si aad uheshid ama ugaadhid horumar dhaqaale waxa door muhiim ah ka ciyaara samaynta maal gashiyada

maalgashiyadu way kala duwan yihiin waxaana jira ilaa dhawr hab oo aad uga qayb qaadan karto maal gashi waxaana kamid ah

  1. Saami wadaaga shirkadaha ama inaad shirkad ka iibsato qayb kamid ah samiyada taas oo noqon doonto faaido si joogto ah kuugu socota 30%
  2. Maal gashiga Real stateska sida guryaha jagooyinka iwm 40%
  3. Direct investment ama maalgashi socda oo toos ah sida ganacsi shaqaynaya 30%

Ugu danbayn maadaama oo aynu nahay dad muslim ah aaminsana inay adunyada waxa ay ujoogaani tahay inay ushaqaystaan daarta danbe iyo aakhiro waxan naftayda iyo taadaba farayaa kulana dardaarmaya inaynu xoojino xuska alle adduunyaduna aanay noqon waxa ugu badan ee aynu raadino ee qalbiyadeena ku wayn mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.