Iska ilaali samaynta 6 caado inta aadan gaadhin 30 sano

Qiyaas ahaan bulshada inta ubadan ee sida saaidka ah u isticmaala social media-ha waxa u badan dhalin-yar da’ ahaan udhaxaysa 20-30 sidaa darted waxan halkan jeclaysanay inaan idin kula wadaagno ilaa 6 qodob oo ay tahay inaadan samayn inta aad ku jirto da’da udhaxaysa 20-30

soo dhawoow iskuna day inaad si wanaagsan u akhrisatid qodobadan sidoo kala dhex baxdid nuxur guud oo ku anfacaya.

  1. HIIGSI LA, AAN

inay jiraan ujeedooyin aad rabtid inaad xaqiijisid nolosha waa mid wanaagsan waliba Khasab kugu ah hadii aad kasoo gudubtay da’dii masuuliyad la,aanta ee ka hooseysay 20 ka sano waana farqiga u dhexeeya fashilka iyo guusha hadii aad nooshahay ujeedo la,aan wakhtigu wuxuu noqonayaa mid si dhakhso ah kugu dhaafa waxanad soo baraarugi doontaa xili lafahaagu jilceen murqihii xooganaa awood gabeen jilbaha iyo dhabarka oo xanuun kugu bilaabay taas oo ah diginin adag oo ku tusinaysa inaad tamar yaraysay

ku noolaanshaha ujeedo la,aan waxay noloshaada danbe kugu sababi doontaa walwal iyo dhibaato xoogan sidaa awgeed hada inta aad wakhtiga xooga maskaxda haysid ka faaidayso sidoo kale qoro ujeedooyin aad rabtid inaad xaqiijisid mustaqbalka kana shaqee sidii aad u fulin lahayd ugana guul gaadhi lahayd yoolkaaga nololeed

  1. BARAHA BULSHADA

Waa aafada wakhtigaan waana god madow oo muudsanaya wakhtigaaga kuna dhaxalsiinaya qoomomo aanad waligaa iloobi doonin

Facebook iyo social media waxay ku galinayaan cutub nolosha kamid ah oo khasaare iyo fashil aan dhamaad lahayn waa sida aynu hada intena badan u isticmaalno e iska dul fadhiga heer waxad gaadhaysaa aad adigu karaamadada iyo jiritaankaga gacantaada ku burburiso waana mareeg aan dhamaad lahayn oo aad ku wareeganayso wakhtigu waa adiga waa waxa aad tahay

Hadii qaladkan aad manta ku jirto waxad dareemi doontaa marka aad gaadhid 30 sano isku day inaad inta awoodaada ah iska meelaysid isticmaalka social media hana ku lumin wakhtigaaga waxan waxba kaso galayn sida manta halkan ayan joogaa halkan ayay ka shidan tahay cunta noocaas ah baan cunay iyo madadaalo aan dhamaad lahayn si aadan uga dhaxlin nolol madow oon dhamaad lahayn

  1. AFLAANTA XUN-XUN

Daawashada aflaanta xun xun oo ah masiibo dhirbaaxi doonta mustaqblkaaga aadanse manta ku baraarugsanayn taas oo laga soo saaray kumanaan qaylo dhaan digniino wata oo lagu tilmaamayo khatarta iyo dhibaatada ay leeyihiin aflaantaasi

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in mar kasta oo qofku daawado ama fiirsado muuqaaladas ay sii yaraanayso maskxdiisa ilaa uu gaadho heer aad u liita
waxaana la ogaaday in dhibaatada mukhaadaradka ay ku reebaan maskaxda mid ka badan ay ku reeban daawadasha filimaantaasi

Fiirsashada muuqaaladasi waa wadada halaaga ee ugu dhaw ee lagu halaagsami karo adduun iyo aakhiroba iska jir inaad wadadaas qaadid noloshada adduunyo iyo aakhirana gacantaada ku fool xumaysid.



4. HURDADA

Kama wado ha seexan ee mida aan ula jeedo ayaa ah hurdada wakhtiga dheeer iyo inaad in mudo ah jiifto sariirta iyo sidoo kale hurdo la,aanta aadan in badan seexan labadu waa khatar si isku mid ah u saamaynsa hayaanka geedi socodka noloshaada

Xiliga da,dan waxay caado ka dhigteen soo jeedka ama dhafarka badan ee habeenkii waliba kala duwanaansha wayn ayaa udhexeya so jeedka wakhtigan iyo midkii hore sababtoo ah wakhtigan waxaa lagu soo jeedaa aaladaha maskaxda iyo indha daalinaayo

Soo jeedka badan waxa uu jidhka ka dhigaa mid nugul waxaana yaraanaya wax iska caabinta jidhka waxaanad halis ugu jirtaa mar kasta oo dhafarkaagu bato inay kusoo wajahaan xanuuno kala duwan isku day inaad ka fogaato soo jeedka badan sidoo kale hurdada badan celcelis ahaan wakhtiga ugu fiican ee la seexdo ayaa ah 6 ilaa 8 saacadood oo habeenkii ah

  1. WAX MA KAYDSATID

Maahmaah somaliyed ayaa ahayd dadka waxa ugu liita ma toshe ma tashade iyo ma tashiishe waxaa wanaagsan hadii aad da’da labaatameeyada ku jirto isku day inaad dakhliga kuso gala wax uun dhigto oo aad kala reebto si ay mustaqblaka kaaga caawiso fulinta mashaariicdaada 20 ilaa 30 sano wa marxalad aad muhiim u ah wa marxalada awooda iyo firfircoonida mida lagaaga baahan yahay ayaana ah in wixii risqi ilaahay ku siiyay aadan hal mar afka kuwada gurin eed wax uun kaydsato

  1. XIRFAD LA,AAN

Marxalada 3o ka waa xiligii aad ku shaqyan lahayd xirfadihii aad soo baratay waana wakhtiga awood saarida sal udhigida wixii aad baratay marka aad gaadho wakhtigan waa inaad awoodada oo dhan iskugu gaysaa qiimo u yeelida xirfadaas

Ka hor cumriga 30 ka waa inaad leedahay xirfad nooca ay doonto ha ahaate kama wado inaadan wakhtigaan waxba baran Karin lkn waa inaad xoojisaa wixii aad sida fudud u dulmari jirtay wakhtigyadii kan ka horeeyay

Noloshu ma adka hadii aadan adigu khasbin way soconaysaa isku day inaad ula socotid sida ugu haboon  mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.