Iska daa 6 caado oo xun-xun si aad u hormarto

Isku taga caadooyinkeena yaryar ee aynu samaynaa waa waxa sameeya ama qaabeeya nolosheena danbe iyo nooca mustaqbal ee aynu yeelanayno

Gabi ahaan caadooyinka ay dadku caadaystaan waxa loo qaybiyaa laba nooc mid waa caado wanaagsan mida kale ayaa ah caaado xun oo badanaa la isku raacay inay nolosha qofka ku keento fashil danbe

halkan waxan isku dayayaa inaan idin kula wadaago 6

 caado oo xun-xun  oo ay tahay inaad ka dheeraato caadaysigooda ama samayntooda

  1. Inaad fashilkaaga dusha usaarto dad kale

Inaad eedayso dadka kale adiga o oleh idinka ayaa ka danbeeya xaalada aan ku suganahay inaad mashaakilkaaga dadka ku eedayso waxa ka dhalanaya inaad raadiso xal aan ahayn kii ay ahayd inaad raadiso waxaanay kugu keeni doontaa inaad isu aragto inaad adigu tahay dhamays fashilkana ay keeneen ama leeyihiin dad kale taas oo kaa hor istaagysa raadinta xalka dhabta ah maadama aad naftaada usheegtay in fashilkan dad kale ka danbeeyen ama aadan adigu masuuliyadeeda lahayn

Eedaynta dadka kale waxay kaa hor istaagaysa wax ka barashada qaladaadkaga iyo inaad wax ka barato gafafkaaga ama waxyaabaha aad sida khaldan uqabatay sixitaankooda

2. Is barbar dhigida dadka kale

Inaad is barbar dhigto oo aad noloshaada la sinto dadka kale waa dhaqan ama caado ay xun tahay ku dhaqan kedu

Ilaahay nolosha qof kasta waxa uu abuuray si gooni ah waxaana jira waxyaabo badan oo dadka kale kaga duwan yahay

Tusaale hadii aad u aragto qof aad saxiib tihiin inuu xaqiijiyay wax aadan wali adigu xaqiijin ha is murjin hana ka murugoon hana isku arkin inaad ka liiidato qofkaas

Waxa kaliya ee aad naftaada barbar dhigi kartaayi ha noqdo sidii aad adigu shalay ahayd is waydii maxaa kuu kordhay intee in le,eg ayan kasoo dhaqaaqay halkii aan shalay taagnaa lkn marnaba ha is barbar dhigin qof kale noloshiisa

3. Kalsooni la,aan

Albaabka ugu way nee laga galo fashilka waa in qofku rumeeyo inaanu waxba ahayn in laga caqli badan yahay in aanu kaligii go,aan qaadan Karin sidoo kale inuu aamino in waxa loo sheego ma ahane aanu wax kale samayn Karin taas oo ka dhigan lana macno ah in qofkan noloshiisa ay ku tiirsan tahay dadka kale in hadii mashaakil soo wajaho uu sugo qof u xaliya

Ogow qofku xaalada dhabta ah ee u uku jiro ma jiro shakhsi kale oo ugu aqoon badani

Aamin inaad tahay qof dhamaystiran ilaahayna siiyay awoodo waxaanad awoodi doontaa inaad waxyaabo badan xaqiijisid

4. Ka tanaasulida mabaa,diidaada

Ka muslim ahaan waxaynu leenahay mabaadii guud oo aad uwanagsan haday taahy xaqa akhlaaqda dhawrsanaanta Runt aiyo dhamaan dhaqanka wanaagsan ee ay diinteenu ina farayso

Qofku waxa uu qof ku yahay waa mabda’ qof aan mabda aaminsanyna qof ma ahan

Meel kasta oo aad joogtid isku day inaadan ka tanaasulin mabaadiidada wanaagsan si aanad u noqon qof hoosta ka madhan macnaha wax qofnimo ahi ku jiri mayso gudahaaga hadii aad ka tanaasusho aaminaadahaaga waxanad noqonaysaa qof tiisiina ka tagay tii kalena gaadhi waayay

Sidoo kale haka tanaasulin ahdaaftaada iyo waxyaabihii aad dajisay ee aad rabtay inaad rumayso

5. Inaadan aqoon qaabka dadka kale loola xidhiidho

Wakhtigan aynu hada joogno waa samen deg deg ah sidoo kale waxyaabuhu isku badalayaan si dhakhso badan waxaana muhiim ah inaad taqaanid sida xidhiidho loo samaysto dad kala duwana la xidhiidhi kartid

waxaa kaloo muhiim ah inaynu barano xirfado badan sidoo kale inaan barano luqado badan

Markaad gaadhi wado luuqada adiga iyo gaadhi wadista idiin dhaxaysaa waa calamadaha wadooyinka ku dhagan waana nooc kamid ah wada xidhiidhka

6. Caga jiidka

Ula jeedka qodobkan waa inaan nafta ku qancino iska fadhi iyo dib u dhigis aynu dib udhigayno hawlaha ay tahay inaynu qabano inaga oo ku andacoonayna berri ayaynu qaban doonaa ama wakhti kale ayaan hawshaas qaban doonaa adiga oo isla wakhtiga aad sidaas leedahay aan hayn haba yataatee wax shaqo ah oo tan kaaga muhiimsan taas oo kaa hor istaagi karta qabashada hawshan kale ee aad ka caga jiidaysid

Subax kasta oo waagu kuu baryo waa hadiyad xaga rabi kaaga timid ayna tahay inaad uga faaidaysato sida ugu wanagsan kuna qabsatid hawlahaaga hawsha ugu muhiimsan ee aad qabanaysidna ahaato ku dadaalida raali ahaanshaha alle SWT

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.