Hogaamiye miyaa tahay mise la hogaamiye|| kala ogow hada

Wali ma is waydiisay ka aad tahay hogaamiye mise la hogaamiye ?

Hogaamintu waa ku qancinta arrin nooca uu rabo ha ahaadee sidoo kale inaad awoodo inaad qof ku dhiiri galiso inuu sameeyo samayna karo wax wanaagsan

Hogaamintu waa mid ka madax banana oon wax xidhiidh ah la lahayd jagada aad haysid aqoonta aad ledahay iyo sidoo kale hawlaha laguu igmaday ama laguu dhiibay mana ahan inaad adigu tahay midka shaqaalaha ugu sareeya ama amarkaaga la maqlo

Ma tihid hogaamiye hadii aad haysid jago ama meel aad ugu saraysid oo kugu soo aaday ama lagugu siiyay hab qabali ah marka la qaybinayo xilalka dawlada

Xiliyada qaar ma is waydiisaa marka aad daawatid hogaamiye siyaasaded qofka waligii ma tagin miyaa meel looga hadlayo mabaadiida guud ee hogaaminta

Ma aragtay Masuul laga rabo inuu wax hogaamiyo hadii u yahay gudoomiye baarlamaan ama wasiir oo hadana udhaqmaya hab ka duwan wixii looga fadhiyay

Hogaamiyaha dhab ta ah hadii uu yahay siyaasi ama qof caadi ah waa kan mar walba raad iyo saamayn ku yeesha jiilalka isaga ka danbeeya ama quluubta kuwa markaas uu hogaamiyaha uyahay

Hadaba si aad ukala ogaato hogaamiye mise la hogaamiye midka aad tahay isku day inaad ka jawaabto suaalahan adigoo isku dayaya inaad uga fikirto si qoto dheer

  1. Hawsha laguu dhiibay kaliya miyaad kasoo  baxdaa

Badanaa dadka la hogaamin karo ama leh astaamaha la hogaamiyaha waa kuwo mar kasta ku kooban hawsha loo igmaday qabashadeeda halka qofka hogaamiyaha ah ama leh astaamaha hogaamintu uu yahay mid isku daya ikhtiraacida wax cusub soo kordhinta habab kale oo shaqo samaynta wax ka baxsan hawsha loo igmaday kadib marka uu iyada dhameeyo kuma istaago ee waa mid ku dhiirada keenista wax ka baxsan wixii loo tilmaamay

2. Ma leedahay kalsooni

Hadii ad ka shaqayso meel ama aad haysid jago ama mansab jirana qof aad dareemaysid inuu kaa dadaal badan yahay sidoo kalena khatar ku yahay mansabkaaga ama jagadaada waxaad tahay raacaa ama la hogaamiye waana mid tilmaamaysa kalsooni daro

Dadka hogaamiyayaasha ah ugu yaraan arrinkaas waxay u arkaan mid ku dhiiri gainaya inay sii laba jibaaraan dadaalkooda umana arkaan wax dhib ah waxaanay sidoo kale wada shaqayn umuujiyaan qofkaas

3. Ma leedahay rajo fiican

Waxaa jiri kara qof ku xidhan xabsi laguna xukumay xabsi daain iyo inaanu waligii ka dhex bixi doonin afartaa derbi dhexdooda hadana aaminsan in maalin uun wax is badali doonaan meeshana uu ka bixi doono iyo sidoo kale qof xor ah oo maalin kasta murug iyo niyad jab ku jira

Murugada iyo rajo la,aantu ma aha astaamaha hogaamiyaha taas badalkeeda qofka hogaamiyaha ahi caqabadaha iyo dhibaatooyinka wuxuu u arkaa inay yihiin fursada u uku qaadi lahaa talaaboyin wax ku ool ah iyo raadinta soo kordhinta xalal cusub oo uu kula tacaalo caqabdahaas lkn marna rajo la,aan ma noqdo

4. Go,aan qaadashada

Waxaa mabda’a rabaani ah oo ah inadan ka laba labayn qaadashada go,aan kaas oo ah “hadii aad goaan qaadato ku dhaqaaq ilaahayna talo saaro” niyadana usheeg inaanu goaankasi ahayn mid xun

Go’aan qaadashadu waa mabda lagu yaqaano dadka hogaamiyayaasha ah waana geesinimo qof aan lahyna ma noqon karo hogaamiye cidna ma hogaamin karo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.