Baro 7 Qaab Oo TikTok Lacag Looga Sameeyo

Tallaabada 1: waxaad abuurtaa wax kuu gaar ah adiga oo soo socda oo aan istaageyn (qaybta ugu adag)
Soo hel xirfadaada ama hibadaada, si adag u shaqee si aad u noqoto kan ugu fiican ee lawada daawado, kor u qaad Follewrs-kaaga.
Waxaan halkan kaga hadheynaa tallaabadan oo ah mida ugu muhiimsan, laakiin si aan mar kale kuu xasuusino muhiimada ay leedahay talaabadaaasi waa meesha ay tahay inaad 99% waqtigaaga ku qaadato!

Tallaabada 2: Lacag ka samee ama ka midho dhali!
Kaliya Markaad haysato waxyaabaha soo socda (ama inta lagu guda jiro hawsha dhisitaanka) muhiimada sii kuwa soo socda:

  1. Ku xidh Profile-kaaga meelaha kale aad ku badan tahay.
    (tusaale. Websitekan oo kale ayaan ku badnahay waana ku xirtey),sidoo kale ku dar URL-ka la gujin karo profile-kaaga kaasoo kugu xidhi kara:
    -Bogga aad facebook ku leedahay (tusaale. hubi inaa like ii saartey Waaniye)
    -Hadiyadaha Virtual-ka ah
    -IG / Twitter -kaaga iwm
    -hadii aad leedahay dukaan Online ah ku xiro
    -OnlyFans (qasab maahan inay noqoto wax galmo quseeya bes ah)

2.Iibi barta aad ku leedahay Tiktok
Haddii waxyaabaha aad soo galiso aysan ahayn wax ‘Adiga’ kuu qaasa oo aanad lacag ka samayn karin bartaadana ku xidhan yihiin dad badan, shirkadaha iyo dadkuba aad bay ugu baahan yihiin inay iibsadaan Accountkaaga, waxaad si fudud uga iibin kartaa Accountkaaga qof kale (ka taxaddar maadaama ay u badan tahay hawshani inay jebiso shuruudaha TikTok).

3.Xayaysiinta Alaabaha / badeecadaha / la heshiinta dadka wax xayaysiiya
Soo dhaweyso ama xayaysii alaabaha aad adiga jeclaatid waliba dadka Followerska kuu ahna ay jeclaan karaan, shirkadaha aad wax u xayaysiineyso u soo bandhig heshiis ah inay ku siiyaan alaab bilaash ah ama lacag si kor loogu qaado ganacsigooda.

  1. Naqshadee oo iibi naqshadahaaga khaaska kuu ah(Designer)
    Adeegan waxaa bixiya Kumanaan Website qaarkood ama badankoodu ay yihiin heer caalami Alyacni Somalia qaar ogol waad helaysaa.Fiiri TikTokers-ka aad jeceshahay ama wax Naqshadeeya(Designers) si aad u aragto Website-ska ay u adeegsadaan iibinta waxyaabahooda

5.Creator Fund(Sanduuqa Abuuraha)
Markaad Gaadho “100,000 Views” Madashada xayaysiiska ee Tiktok(Tiktok Ads Platform) waxey lacag kugu siin doontaa 1-kii Views ama eegmo

6.Bar dadka sida loo koriyo Followers-ka
Adigoo isticmaalaya youtube ku iibi xogaha ama buug aad qortey ka iibi dadka.

7.[Isticmaalayaasha la xushay oo kaliya ama wax ka badan 1k oo Follewrs gaadhey]
Samee live ama durdurro toos ah oo aad ku kasbato Daimond iyo Gifts badan (waxaa loo badali karaa lacag ayadoo la isticmaalayo Paypal)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.