7 calamadod oo aad ku ogaan karto dadka Ku Neceb

Caadiyan dadku waxay uqaybsan yihiin kuwo ku jecel kuwo aan wax danayn ah kuu hayn iyo kuwo ku necebMawduucan maantana waxan kugu soo gudbin doonaa 7 calaamadood oo aad ku garan kartid dadka ku neceb

dadka ku neceb laftooda ayaa usii kala baxa laba qaybood oo kala ah kuwo nacaybkoodu aanu ahayn mid badan oo kuso bandhiga waxa ay kugu naceen aanad ogtahay inta aad ka filan karto dhibaato iyo kuwo aaadan ogayn waxa ay kugu naceen iyo heerka uu gaadhsiisan yahay nacaybka ay kuu qabaani waxaana labada khatar badan kuwa danbe

sababtoo ah ma ogid iyaga xataa ay kuula dhaqmayaan sida saaxiib kuu dhaw iyaga oo dhinaca qarsoona kaaga wada hagar-daamoyin wakhti badana ay qaadato ogaanshiyahoodu

waa kuwaas kuwa aan astaamahooda kula wadaagi doonaayi iska eeg kuwa kuugu dhaw in kabadan intan iska eegtid kuwa kaa fog

Calamada kobad= shaqsigaasi kuguma amaano kuumana hambalyeeyo xiliga guulahaaga

mid kamid ah waxyaabaha ugu adage e qofka qof necebi samayn karo ayaa ah inuu amaano ama hambalyeeyo xilliyada guulihiisa xataa hadii uu kuu hambalyeeyo waxa uu kuu hambalyayn doonaa si ka duwan sida dadka kale

Halka saaxiibada kuugu hambalyaynayan si diiran marka aad qabato hawl wanaagsan waxa isaga ku adkaan doonta inuu yeelo sidaa si lamid ah

Calamada labaad: calaamadaha niyad jabka ee uu muujiyo marka aad guulaysato

Marka aad qabato hawl heerkedu sareeyo ama aad gaadho hamigaaga qofka ku necebi sinaba uguma faraxsanaan doono natiijadaada mar kasta oo aad qofkaa uga sheekaynayso qisada guushaadadana waa mid mar kasta sameeya calamadaha niyad jabka iyo sidoo kale inuu taabto sankiisa taas oo calaamad u ah in aanu qofku ku faraxsanayn waxa Meesha ka socda

Calamada sadexaad: qofku ku qosli mayo kaftankaaga

Xataa hadii aad tidhaahdid wax aad u qosol badan qofka ku necebi awoodi mayo inuu ku qoslo kaftankaaga isaga oo dhoola cadayn been ah iska keena mooyaane

Calamada afraad: qofka oo hadalo xun kaa sheega marka aad ka maqan tahay

Qof kasta oo kaa sheekeya markaad ka maqan tahay ma aha qof ku neceb balse marka uu qofku adiga oo maqan kaaga sheekeyo si xun oo dadka kale ku dhiiri galinaysa inay ku nacaan waxa hubanti ah in qofkaasi ku neceb yahay

Calamada shanaad: qofkaasi wuxuu danayn doona inuu ogaado warkaaga

Qofka ku necebi wuxuu isku dayi doonaa inu mar walba kaa waraysto hawlaha horumarkaaga si uu uhubiyo inaad wali dhib ku jirto waxad arki doontaa isagoo ku waydiinaya su,aalo faahfaahsan oo ku saabsan xaaladada si uu u ogaado inaad faraxsan taahay iyo in kale

Calamada lixaad: calamadaha uu muujinayo markuu ku arko adiga oo aan faraxsanayn

marka uu dhagaysanayo qisada murugudaada waxa laga yaaba qofka ku necebi inuu taabto suniyihiisa taas oo muujisa in qofku ku faraxsan yahay waxa Meesha ka socda balse uu isku dayayo inuu gacantiisa ku daboolo wajigiisa si uu u qariyo shucuurtiisa ama fal celinta wajigiisa waxaanu noqonayaa qof tamar iyo energy badan haya xataa waxa laga yaaba inuu dhoola cadeeyo mararka qaar isaga oo aan ogayn falcelintiisa balse ay ka tan badisay farxadu

Calamada todobaad: wuxu isku dayi doonaa inuu ku digo markad isku daydo inad guulaysato

Dadka ku neceb qaar kamid ahi waxay isku dayi doonaan inay yihiin saaxiib ku jecel waxaanay bilaabi doonaan inay kuu digaan mar kasta ood isku daydo inaad guulaysatid ama aad samaysid wax ay iyaguba maarayn kari waayen

Ugu danbayn taladaydu waxa ay tahay nolosha waxad la kulmi doonta dad xun iyo dad wanaagsan labadaba isku day mar walba inaad iskaga dhigto inaad utahay daacad si aad dadka uga dhex sooci kartid kuwa ku neceb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.