4 arrimood oo wax akhriska kugu adkayn kara

 Maqaalkan maanta waxaynu isku dayi doonaa inaynuu ku lafa gurno ama idin kula wadaago ugu yaraan 4 qodob oo keeni karaya in wax akhrisku qofka ku adkaado

Ka hor intaynaan gudo galin  “mawduuca ogow in wax kasta qabashadoodu adagtahay inta aanad qabanin lkn ay is badali doonaan marka aad gudo gashid qabashadooda”

sidaa si lamid ah wax akhrisku wuu adag yahay inta aanad adiguba isku dayayn inaad wax akhrido

  1. Xasuusta yaraanimo ee aad ka haysatid wax akhriska

Waa mid kamid ah waxyaabaha kugu so yeeshay saamaynta taban ee la xidhiidha wax akhriska

Sida aynu ubadanahay bulsho ahaan waxaynu ku barbaarnay buugaag qoraal ahaan ah kuwo ku qoran far adag fahankooduna yahay mid aan u sahlanayn qof ku jira marxalada koritaanka

Kuwaas oo ay kamid yihiin text books ka aynu ku baran jirnay dugsiga oo badanka aynu ka muujin jirnay akhriskooda wahsi iyo dhibsi wakhtiyada imtixaanadka Sababta aynu wax u akhrin jirnayna ay ahayd inaad buuga usoo qaadid in imtixaan kugu taagan aad ka diyaarinayso oo marar badan aad ka meer-meeraysanayso.

Maskaxduna waxay kaydisaa dhacdooyinka waxanay xidhiidh ka dhaxaysiin kartaa xasuustaa hore iyo hada oo aad isku dayaysid inad wax akhridid waxanad ku dareemi doontaa dhibaato inad wax akhridid.

  1. Isku dayga akhrinta buug badan

Qodobkan sidoo kale waxa uu la xidhiidhaa qodobkii hore

Inaad isku daydo akhrinta buug badan sidoo kale aad ku guul daraysato inaad dhmaysatid waa mid kugu keeni karta inaad isku aragtid qof aan wax akhriska ku wanaagsanayn ama aad ku dareentid is liidid hadaba sidaa ma aha

sida ay muhiimka u ahayd inaad buuga dacal ilaa dacal dhamayso marka aad imtixaanka diyaarinaysay muhiim uma ahan markan aad buugta aqoon korodhsiga ah akhrinaysid inaad dhamaysid

marka laga yimaado buugta sheeko faneedka ah oo iyagu ah sheeko isku wada xidhan oo ay tahay inaad dhamaysatid si aad fahan buuxa uga heshid sheekada.

  1. Saaxiibadaa ma aha dad wax akhriya

Waxay kuula muuqataa mid fudud waxaana macquul ah inaad is waydiinaysid maxaa iga galay asxaabtayda maxase isku xidhay waxa aan doonayo iyo waxa ay iyagu yihiin,

Odhaah ayaa ah “adigu waxa uun aad tahay celceliska shanta qof ee ugu badan ee aad wakhtigaaga ku bixiso waxa ay yihiin

Dadka ugu badan ee aad wakhtigaaga siisid waa kuwa ugu badan ee kugu yeesha saamaynta ugu badan xaga noloshaada

Odhaah carbeed ayaa Iyana dhahda “qofka qoom la jooga 40 maalmood iyagoo kale ayuu noqdaa”

Samayso saaxiib wax akhris.

  1. Inaad sugaysid goob iyo goor ku haboon

Qodobka u danbeeya ee aynu kuso af xidhayno ayaa ah inaad sugayso meel iyo wakhti haboon si aad wax u akhrido

Noloshu sideedaba waa hawl wakhtiba wakhtiga uu ka danbeeyo waxa uu kuusi dhiibaa marxalad kale hawlba waxad kasii Mudan Doonta hawl kale  mana heli doontid goobta iyo goorta haboon ee aad sugaysid si aad wax u akhridid

Isku day inaad mar walba iyo meel walba wax ku akhrin kartid adigoo ka faaidaysanaya jaanisyada koo-kooban ee aad heshid maalin kasta.

One thought on “4 arrimood oo wax akhriska kugu adkayn kara

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.