4 Arrimood oo ilmaha naf ahaan u dhaawaca

Sida badan waxa dhacda in ilmahaaga soo gaadho dhaawac jidh ahaaned kadib aad isku daydid inaad la tacaashid wixii tamartaada ka baxsanaadana aad dhakhtar ula orodid si wax loga qabto

Taa badalkeeda waxa jira dhawacyo fara badan oo ilmaha nafsi ahaan usoo gaadha kuwaas oo aan kasoo muuqan oogadiisa sare ishuna aanay qaban marar badana ay dhici karto inuu kasoo gaadho ehelkiisa ku xeeran barbaariyayashiisa waalidkiisa IWM.

Waxa laga yaaba in dhaawaca jidh ahaaned ee soo gaadha ilmaha uu kaga boodo mudo aad u kooban kana bogsado lkn midka nafsi ahaan uso gaadha uu waayo badan la noolaado

Oo marar badan ay ku kalifto in mushkilaadka badan ee noloshu kusoo tuurto turunturooyinka iyo turxaanta badan uu u babac dhigi kari waayo oo ay ka awood badiyaan

Waxaan halkan idin kula wadaagayaa 4 qodob oo ilmaha ku keeni kara dhaawac nafsiyan ah kaas oo ay tahay in waalidka ilmaha dhalay macalimiintisa iyo ehelkiisuba ka digtoonaadan samayntooda.

  1. QAYLADA

Badanaa sida ay culimada iyo daraasadka ay sameeyen tilmaamayaan qaylada ilmaha lagu qayl-yaa waxay hoos u dhigtaa korniimadiisa maskaxeed

Waana arrin aad muhiim u ah in ilmaha laga daayo oo aan qalbigooda la gaadhsiin waxyeelo ku yeelan doonta saamayn maskaxeed iyo nafsiyadeed oo uu la daala dhaco noloshiisa oo dhan

2. BARBAR DHIGA

Badanaa sida aynu ka dhex aragno bulshadeena waxa dhacda in waalidku ilmihiisa ku canaanto hebel waaka waxaas sameeyay ee adigu maxad u samayn wayday waaka xisaabta intaa keenay ee maxad u keeni wayday ama uu barbar dhigo ilmo kale oo ay isku fasal yihiin ama mid ay daris yihiin isaga o oleh maxad sidiisa u noqon wayday

Arrintaasina waxay hoos udhigtaa kalsoonida naf ahaaned ee ilmuhu isku qabo kuna qabo naftiisa

Ilmaha walaalada ah hadii la is barbar dhigana waxay ka dhex abuurtaa colaad iyo is nacayb ku salaysan xiqdi iyo xaasidnimo dhexdooda ah

Markaa ilmuhu way kala garaad iyo mawhibo duwan yihiin waxa laga yaaba mid ilmahaaga kamid ahi inuu ku wanaagsan yahay xisaabadka mid kalena aanu ku wanaagsanayn balse uu waxyaabo kale kaga wanaagsan yahay mana aha inaad is barbar dhigtid

3. GUUL-GUULKA

In ilmaha lagu baqo galiyo hadaan sidaa ku yeeli waayo hadaan aabahaa kuu sheegi waayo manta aabahaa ha yimaado hadaan macalinka kuu sheegi waayo oo ilmihiisa macalinkii iyo aabihii lagu baqo galiyo ama manta oo dhan loo dhaarto

Runtii ilmaha maskax ahaan ayay udhiibaataysaa waxaana suuro gal ah in ilmuhu naco macalinka iyo maadada uu dhigayayba

Hadii uu macalin quraan yahayna wayba kasii xag jirtaa oo waxa macquul ah inuu naco ama karaahiyaysto

4. EREYADA WAX DHAAWACA

“Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”

Markaad ilmahaaga ku tidhaahdid Erayo af ahaan adag sida nacas , fulay , doqon iyo erayada la hal maala, Meel ama eray aan adiga wax wayn kula ahayn ayaa laga yaaba inay ilmaha maskaxdiisa qayb dhan buuxiso dhan buuxiso oo mustaqbalkiisa danbe ay saamayn ku yeelato

Ilmuhu inta u uku jiro da’da koritaanka malaha maskaxda qaybta wax shaandhaysa kaliya waxay samaysaa duubis oo kaliya waxay qaataan wixii loo sheego oo Rumaystaan

Erayga aad ku leedahayna waxaa laga yaabaa si fudud inaad utidhaahdo ama ku canaanaysid amase ku dhiiri galinaysidba sida badanka waalidka somalidu ay sameeyan lkn eraygu aad buu uga awood badan yahay inta aynu moodayno

Markaa ka fiirso Erayada aad ilmahaaga ku odhanayso.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.