3 Xirfadood oo aad ka Baran Karto YouTube-ka Lacag La’aan!

School-kii wuu dhammaaday micnaheedu maaha inay tahay waqtigii la joojin lahaa barashada waxyaabo cusub.

Dadka qaar baa u maleeya in ay ‘weynaadeen’ oo aysan u baahnayn in ay sii wadaan waxbarashada. Taasi waa wax aan micno iyo raad midna lahayn.

Dunidan casriga ah, waxaan haysannaa hadyaddii ugu cajaaibka badneyd ee loo yaqaanay internet-ka, taasna waxay ka dhigan tahay inaan baran karno wax kasta oo aan rabno,

goor kasta oo aan u baahano inaan heleyno. Wax cudurdaar ah ma haysatid saaxiib.

Haddii ay jirto xirfad gaar ah oo xoog aad uga baahan tahay,

waxaa la joogaa waqtigii aad usii jeedsan lahayd dhankaa iyo YouTube-ka.

Waxaa jira fiidiyowyo(videos) badan oo ku saabsan wax walba, waxaan idin tusi doonnaa sida taayirka gaadhiga looga badalo illaa barashada sida loo sameeyo keeg yar.

Kuwani waa waxyaabo wax ku ool ah oo kaa caawin doona mustaqbalka fog. Markaa,intaas oo dhan laga yimaado sheekadu waa xagee ayaad wax ka bilaabi kartaa adigu?

Hagaag, waxaan ku tusi doonaa 10 fikradood ee u fiirso tobankaan fikradood oo midii ku cajabisa ka qaado!

1.Sida Loo Sameeyo IOS App(Apps-ka IPHONE-ka)

Ma leedahay fikrad application mobile oo cajiib ah, laakiin magaran la’dahay waxaad ku samayn lahayd? Hagaag, Waxaa laga yaabaa inaadan garwaaqsanayn laakiin dhab ahaantii waxaa jira fiidiyowyo(videos) ku jira internetka oo ku baraya (hab fudud oo tallaabo-tallaabo ah) sida loo sameeyo app.

Dabcan, ma baran doontid sixirkan madow habeen keliya. sidaa uma fududa! laakiin Si kastaba ha noqotee, haddii ay kaa go’antahay oo caqligaagana ka shaqaysiisid, waxaa laga yaabaa inaad awood u yeelatid inaad aasaaska u dhisto application-kaagi koowaad waqti ka dib.

Waxaan kugula talin lahaa inaad soo fiiriso fiidyowyada(videos) internetka iska dhexyaala si aad u aragto waxa jira.

Intaa waxaa sii dheer, haddii aysan kuwaasi kugu filnayn,

waxaa jira malaayiin fiidiyowyo ah oo ku saabsan koodh-gelinta(codes) websaydy\ada(websites) iyo wixii la midka ah.

Asal ahaan, dhammaan walxahaas farsamo ee umuuqda wax aan macquul ahayn ayaa hortaada la dhigay ayagoo lacag la’aan ah “YouTube”.

Fiiri fiidiyowyada qaarkood waliba isla hadda illaa aad ka hesho mid ku habboon heerkaaga xirfadeed iyo baahiyahaaga gaarka ah. Waan hubaa inay macno weyn kuu samayn doonto.

2.Baro Xeeladaha Is-difaacidda(Self defence)

Dhammaanteen waxaan ku samayn karnaa gurigeena dhexdiisa barashada xeelado is-difaac oo waxtar leh muhiim ma ahan inaad tagtid goob lagu barto cilmigan.

Hubaal, waxaa laga yaabaa inaadan rabin inaad noqoto boqorka fanka dagaalka ama,

laakiin waxaa muhiim ah inaad taqaanid sidaad isku difaaci lahayd sababto ah inaad naftaada difaacdo waa shey diinteenu ina farayso waadna ubaxsan doontaa mar uun xirfadan.

Hadda, waxaad niyyada ku haysaa inaad had iyo jeer bixisid lacag si’aad u tagto usbuuc kasta fasal, laakiin yaa wakhti, dulqaad, ama lacag u leh taas?

Taa bedelkeeda, maxaad u fiirin weyday qaar ka mid ah fiidiyowyada(videos) YouTube-ka iska dhex yaala oo aad ugu baran weydey xirfaddaas lacag la’aan iyo waqti aan la jaangoynba?

Waxaa jira fiidiyowyo(videos) badan oo kala duwan oo internetka dhexyaala waxaadna awoodaa inaad farsamooyinka kasoo bilowdo xaga hoose ee fudud ilaa casharro qoto dheer oo Advanced ah.

Inta aad ka baranayso mawduucan 100% adiga ayay kugu xidhan tahay ee bilaw!

3.Sida Loo Bedelo Taayar banjar ah.

Waxaa laga yaabaa midkani inuusan noqon kan ugu xiisaha badan casharrada, laakiin waa wax dhammaan darawalada u baahan yihiin inay bartaan xirfadan si kastaba haku qaadatee.

Haddii aysan kuu caddayn sida loo beddelo taayirka, waa inaad daawataa dhawr daqiiqo oo keliya si aad u fahanto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.