New Maxaa Cusub

Booqashada

Pages

Pages|Hits |Unique

Islamic Calender

Video Categories

SH XUSEEN CALI (JACEYLKA ALLE IYO RASUULKIISA)

By abdi | March 21, 2012

Nr Magaca Sheekha Nidaam
 1
Sh Xuseen Cali

MP3
2
Sh Xuseen Cali

MP3

Topics: Uncategorized | 1 Comment »

Gudashada Xajka iyo Cumrada

By abdi | March 21, 2012

Gudashada Xajka iyo Cumrada
Xajka macnihiisu asal ahaan waa booqasho, waxayse kalimaddasi macruuf ku noqotay gudashada cibaadada xajka ee loo soo aado sanadkiiba hal mar meelaha barakaysan ee makka ka mid ah, isagoo xajku ah kulan iyo ciid lagu xasuusto diintii Nabi Ibraahiim(C.S) iyo raadadkay ku reebtay dadka muddo laga joogo boqolaal sano. Shuruudaha Qofka Xajku Ku Waajibayo Xajku qofka uu ku waajibayo waxaa laga rabaa shuruudahan shanta ah, qofkii aysan u dhamays tirmin xajku kuma waajibin, . 1. Islaamnimo: waa inuu qofku muslim yahay haddii uusan qofku muslim ahayn xajku kama ansaxayo ilaa uu muslimo. 2. Caqli,: waa in uu qofku caqli leeyahay hadddii uusan qofku caqli lahayn sida qofka waalan ama doqonka ah oo aan waxba garanayn xajku kuma waajibin ilaa ay caqli yeeshaan, waajibaadka kalena laguma leh qofka waalan ama doqonka ah. 3.In uu qaangaar yahay, haddii uusan qaangaar ahayn xajku kuma waajibin, ilaa uu qaangaaro waajibaadka oo dhanna ilmo saqiir ah laguma lahan. 4. Xorriyad: waa inuu qofku xor yahay haddii uusan qofku xor ahayn ee addoonsi uu ku jiro waajibkan xajka laguma lahan, ilaa uu xoroobo. Hasa ahaatee ilmaha saqiirka ah iyo qofka addoonka ah hadday xajka gutaan waa ka ansaxayaa. 5. Awood : waa inuu qofku awoodaa xajka, qofna xajku kuma waajibin hadd uusan awoodin, awoodana waxaa laga wadaa arrimahan.: A. In qofku caafimaad qabo, haddii uu yahay qof gaboobey oo aan kici karin ama uu qabo cudur aan laga rajo qabin in uu ka koco waxaa laga xajisiinayaa qof kale. B. Nabad galyada waddada, haddii uu qofku naftiisa iyo maalkiisa uga baqo cadow ama qaadicu dariiq (jidgooyo) wuxuu la mid noqonayaa qof aan awoodin, ilaa waddadu aamin u noqoto. C. Saadka: (Sahay) waxaa laga rabaa qofku inuu haysto hanti ugu filan safarkiisa oo dhan ilaa uu ka soo laabto sidoo kale ciddii waajib ugu leh inuu biilo waxay ku sii noolaadaan inta uu maqan yahay. Shantan shardi qof aysan u dhamays tirmin xajku kuma waajibin. Tiirarka Xajka Qaabka Xajka loo gudanayo halkan kuma wada sheegi karno, hase ahaatee xajku wuxuu leeyahay afar tiir oo haddii mid ka mid ah uu qofka ka dhimanaato aan xajku u jirin, afartii tiirna waa kuwan.: 1.

Read the rest of this entry »

Topics: Uncategorized | No Comments »

10 dariiqo oo lagu kobciyo jacaylka labada is qaba

By abdi | February 23, 2012

Asalaamo calaykum

Qofkii doonaa in uu kordhisto Raasamaalkiisa waxuu raadiyaa siduu ku kobcin lahaa oo ku badin lahaa sidoo kale qofki doona in uu kobciyo xidhiidhka iyo jacalyka labada qof ee is qabaa waa in uu raadiyo siduu ku kobcin lahaa jacaylkiisa iyo isu daacadnimadooda marka waxaan soo qaadanaynaa : 10 qodob oo kor u qaada xidhiidhka, jacalayka iyo is aaminka labada qof ee is qabaa

Read the rest of this entry »

Topics: Uncategorized | No Comments »